Hargeysa -(WARSOOR)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenku ayaa maanta fadhi aan caadi aheyn iskugu yeedhay Xubanaha Golaha Wasiirada, si uu xog warran guud uga siiyo Safarkii Shaqo ee uu dhawaan Madaxweynuhu ku tagay dalka Imaraadka Carabta.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Golaha Wsiirrada u sheegay in waftigiisu ay kala hadleen Dawalda Imaraadka sidii labada Dal ay iskaga kaashan laahayeen arrimo door ah, gaar ahaan:
- Sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaraadka Carabta,
- Sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada Dhaqaalaha, Shaqo-abuurka, Maalgalinta Mashaariicda Horumarka, Maaligalinta Beeraha, Xoolaha, Waxbarashada, Maalgalinta Macdanta iyo Shidaalka, Iskaashiga Bangiga dhexe, sii amba-qaadka balaadhinta Maalgashiga DP World, iskaashiga arrimaha Amniga, iyo arimo kale oo mudnaan u leh labada dal.
Madaxweynuhu waxaa uu Golaha Wasiirada u sheegay in isaga iyo waftigii uu hogaaminaayey muddadii 4 cisho ahayd ee ay joogeen dalka Imaraadka Carabta ay kulamo kor u dhaafaya 10 kulan ay la yeeshay Masuulyiinta ugu sarreysa Imaraadka carabta.
`
๐๐จ,๐๐๐ฆ๐จ ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐๐ฑ๐๐ฒ ๐๐๐๐ก๐ข๐ ๐ข๐ข ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ก๐๐ฒ๐ง ๐๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐๐๐ .
Isla Fadhigii aan Caadiga aheyn ee Golaha Wasiirada ee maanta waxaa laga soo saarey GOโAAMO DHAXAL GAL AH oo lagama maarmaan u ah dhismaha iyo horumarka qaranka JSL.
Goโaamadaas oo cod gacan taag ah ay ugu codeyeen Golaha Wasiiradu waxaa ka mid ahaa .
๐. Goโaan Gole oo ku saabsan Dhaqan galinta Tiro koobka iyo Tayeenta Ciidamada kala duwan ee Qaranka. Goโaankaas waxaa u codeeyey 38 xubnood, cid ka aamustey iyo cid diiday-na may jirin.
๐. Golaha Wasiirradu waxa uu u codeeyay dhaqan-gelinta Cashuurta Iibka (Sales Tax) ee tooska ugu soo dhici doonta Khasnada Dowladda ee wax iibsiga kala ah:
๐) Hanaanka wax iibsiga Mobile Money-ga (Merchant Payments) ee adeegyada lacagaha danabaysan (Zaad, eDahab, MyCash, Sahal, iyo kuwa la midka ah).
๐) Hannaanka Wax Iibsiga ee ka dhex dhaca Mobile Applications-ka Bangiyada iyo Wallets-ka (DahabPlus, Waafi, PremierWallet, AmalBank, IBS Bank iyo kuwa la midka ah).
๐) Hannaanka ku shubashada lacagaha ku hadalka iyo Internetka ee Shirkaddaha Isgaadhsiinta (Telesom, Somtel, Somcable/SO, Soltelco, Gollis, Bluecom iyo dhammaan shirkaddaha bixiya ISP Services).
๐ ) Hannaanka Biil-bixinta ee Shirkaddaha bixiya adeega Dabka (Utility Bill Payment).
๐ ) Iyo dhammaan noocyada biil-bixinta ee nidaamsan iyo kuwa kaleba.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha Golaha Wasiiradda ee hoos ku sheegan u magacaabay Dhaqan-galinta Cashuurta Iibka ee tooska ah ee adeegyada sare ku sheegan:
๐) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
๐) Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada,
๐) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda.
๐) โ Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda.
๐) Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
๐ซ๐๐๐ฒ๐ฒ๐ป ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐๐ถ๐ด๐ฒ (๐๐ฒ๐๐ฟ)