Hargeysa – (WARSOOR)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta furay kulan-howleed loo qabtey dhamaan Agaasimayaashii guud ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Kulankan, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii Agaasimayaasha guud iyo Hay’adda shaqaalaha dowladdu islula falanqayn lahayeen Xeerka shaqaalaha Dowladda, Nidaamka Keyd ee Xogta Shaqaalaha dawladda, Qaab-dhismeedyada iyo Qeexidda shaqaalaha dowladda, nidaamka cashuuraha iyo xisaabaadka ee Dowladda .
Ugu horreyn, kulankan waxaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame oo sharraxay muhiimadda kulanka iyo waxyaabaha muhiimka ah ee la doonayo inay kasoo baxaan dhammaadkiisa.
Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo madasha furitaanka kulan hawleedkan hadallo kooban ka jeediyey, ayaa hoosta ka xarriiqay in Agaasimayaasha guud yihiin halbowlaha shaqada dowladda, islamarkaana ay yihiin tiir-dhexaadka xidhiidhiya Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka, Wasiiru-dowlaha ama Guddoomiyaha Hay’adda iyo dhamaan shaqaalaha ka hooseeya.
Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa ku dardaaray Agaasimayaasha guud in ay masuuliyadaas u gutaan sida ugu hufan, ugu daah-furan uguna wanaagsan si muwaadiniintu u helaan adeeg hufan, waxana uu ugu duceeyey in Eebbe u fududeeyo hawsha culus ee sugaysa, kuna garab galo.
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
𝗫𝘂𝘀𝗲𝗲𝗻 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗖𝗶𝗴𝗲 (𝗗𝗲𝘆𝗿)