MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY SAFIIRKA TALYAANIGA EE SOOMAALIYA

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mudane Pier Mario Daccรฒ Coppi.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, taageerada amniga, iyo barnaamijyada dib-u-dhiska ee ka socda dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, isagoo ku boorriyey sii wadista mashaariicda lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Talyaaniga Mudane Pier Mario Daccรฒ ayaa xaqiijiyey in dowladda Talyaaniga ay ka goโ€™an tahay taageeridda Soomaaliya, isagoo bogaadiyey dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska hayโ€™adaha dowladeed.

DHAMMAAD

Wixii faah-faahin ah fadlan kala xiriir;
Cabdiraxmaan Maxamed Xasan (Xudeyfi).
Xafiiska Afhayeenka, Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada JFS.
E-mail: Hudeyfi@presidency.gov.so
E-mail:Media@presidency.gov.so