Rúben Amorim oo loo magacaabay macallinka Manchester United

MANCHESTER – (WARSOOR) – Manchester United ayaa u magacowday Rúben Amorim inuu noqdo macallinka bedelaya Erik ten Hag, sida ay kooxda sheegtay Jimcaha maanta ah, iyadoo rajeyneysa in mid ka mid ah tababarayaasha ugu wanaagsan Yurub ee da’da yar, uu dib ugu soo celiyo guulaheedii hore.

Amorim oo 39 jir ah waxa uu United ugu biiri doonaa qandaraas ku eg illaa 2027, ayada oo kooxda ay haysato ikhtiyaar ay sanad dheeri ah ugu kordhin karto.

“Ruben waa mid ka mid ah tababarayaasha da’da yar ee ugu xiisaha badan looguna qadarin badan yahay kubada cagta Yurub,” United ayaa sidaas ku tiri bayaan ay soo saartay.

“Isaga oo guulo badan gaaray, cayaaryahan ahaan iyo macallin ahaanba, koobabkiisa waxaa ka mid ah inuu labo jeer kula guuleystay horyaalka Portugal ee Primeira Liga kooxda Sporting CP; iyada oo mid ka mid ah uu ahaa kii ugu horreeyey ee kooxda ay ku guuleysato muddo 19 sano ah.”

Amorim ayaa si rasmi ah ugu biiraya United 11-ka November. “Ruud van Nistelrooy waxa uu sii wadi doonaa shaqada kooxda ilaa uu Rúben ku soo biiro,” ayey tiri kooxda.

Amorim, oo caan ku ah qaab ciyaareedkiisa soo jiidashada badan ee cadaadiska iyo haysashada kubadda, ayaa Sporting u qaaday horyaalada Primeira Liga 2021 iyo 2024, waxayna mar kale hogaaminayaan horyaalka xilli ciyaareedkan.

Manchester United ayaa shaqada ka cayrisay tababare Erik Ten Hag Isniintii, kadib markii ay kooxda si liidato ku billaabatay horyaalka Premier League, oo ay kaga jirto kaalinta 14-aad.

Reuters