Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ee JSL ayaa ansixisay natiijada rasmiga ah ee doorashada Madaxweynaha iyo Ku xigeenka Madaxweynaha JSL

HARGEYSA – (WARSOOR) – Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa Arbacada maanta ansixisay natiijada rasmiga ah ee doorashada Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka Madaxweynaha taasi oo muddadii uu sharcigu u ogolaanayay in laga keeno cabasho uu wakhtigeedu dhacay, geesta kale Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa sheegtay in ansixinta natiijada rasmiga ah ee doorashada Ururrada iyo Axsaabta Qaranka muddadii sharcigu u ogolaa ku egtahay maalinta sabtida ee bishu tahay 30.

Maxkamadda Dastuuriga ah oo ka kooban Guddida Garsoorka ee kala ah

  1. Aadam Xaaji Cali Axmed …………………Guddoomiye
  2. Maxamed Cumar Geelle……………………Xubin
  3. Cabdiqaadir Axmed Maxamuud………Xubin
  4. Axmed Diiriye Qaalib……………………….Xubin
  5. Maxamed Faarax Siciid……………………..Xubin
  6. Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan……….Xubin
  7. Cali-shucayb Sh. Ibraahin Nuur………Xubin
    8.Yaxye Cali Idiris …………………………………..Xubin
  8. Cabdilaahi Cabdi Aadam………………….Xubin
  9. Cabdiraxmaan Xasan Nuur…………….Xubin

Oo ay kaalinayso Sahra Ismaaciil Cabdilaahi.

Waxay ansixisay in doorashada Madaxweynaha uu ku guulaystay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal, halka Ku-xigeenka Madaxweyne uu ku guulaystay Mudane Maxamed Cali Cabdi Maxamuud oo labaduba ka sharaxnaa Xisbiga Waddani.

Wa bilaahi tawfiiq.