Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Qoyska Reer Axmed Silaanyo

Hargeysa-(WARSOOR)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa kulan la qaatay qoyska reer Axmed Silaanyo oo ay rafiiq siyaasadeed iyo saaxiibtimo guuna ahaayeen aabbahood Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), waxa uu madaxweynuhu ubadka uu dareensiiyey inay qoyska reer Silaanyo iyo Reer Biixi yihiin kuwa is ah oo marwalba, isla qaybsanaya dhib iyo dheefba, uguna jiro kaalintii waalidnimo.

Kulankan oo madaxweynuhu mar kale uga tacsiyadeeyey Qoyska geeridii ku timi Madaxweynihii Afraad ee Qaranka Somaliland ku lahaa taariikhda ma guurtada ah ee ku xardhan Qarannimada iyo quluubta Shacbiga Somaliland.

Dhinacooda qoyskuna waxa ay madaxweynaha, shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo bulshada ku hadasha afka Soomaaliga, intii kala soo qayb-gashay iyo intii aan wakhtigu u saamixin, balse hawada u soo mariyey uga mahadnaqeen tacsidii iyo baroordiiqdii ay la qaybsadeen ka qoys ahaan.