HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta codkiisa ka dhiibtay doorashooyinka madaxtooyada iyo xisbiyada oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay dalka Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa codkiisa ka dhiibtay xarunta guriga Shaqaalaha oo ah goobta uu kaadhka codaynta ka qaatay, waxana markii uu codeeyey kaddib halkaas kula hadlay warbaahinta kala duwan ee dalka iyo dibadda oo goobta xaadir ku ahayd.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin u diray shacabka reer Somaliland oo uu ka codsaday inay nabad ku codeeyaan, wada-jirkooda iyo nabaddoodana ilaashadaan, kana dheeraadaan wax kasta oo Khalkhal gelin kara amniga iyo xasilloonida dalka.
Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inuu ka madaxweyne ahaan u hoggaansami doono natiijada kasoo baxda Komishanka doorashooyinka, maaddaama uu saaran yahay waajib culus oo uu yahay hoggaamiyihii qaranka ee waqtigan.
Somaliland waxa maanta looga dareeray doorashooyinka madaxtooyada iyo xisbiyada, taas oo si nabad ah uga socota gobollada iyo degmooyinka dalka.