Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo ku dhawaaqay Natiijadii Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Xisbiyada Qaranka 2024

HARGEYSA – (WARSOOR)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa ku dhawaaqay Natiijadii Ku Meelgaadhka Ah Ee Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Xisbiyada Qaranka 20224.

Gusoomiyaha guddiga doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sidoo kale sheegay inay doorashada ururada ku guuleysteen Xisbiga Waddani, Xisbiga Kulmiye iyo Ururka Kaah.

Natiijadan oo ah ku meel gaar ah waxa guddigu u gudbin doonaa Maxakmadda Sare si ay rasmi ahaan ugu dhawaaqdo.
Madaxweynaha Cusub iyo ku-xigeenkiisu waxay heleen boqolkiiba 63.92, musharxiintii Kulmiye ayaa helay boqolkiiba 34.81, halka Ucid ay heleen 0.74.

Doorashadan oo ay u diiwan gashanayeen in ka badan milyan iyo laba boqol oo kun waxa codkooda dhiibtay in ka badan lix boqol oo kun.