Mareykanka oo ka cafiyay Dowladda Soomaaliya in ka badan hal Bilyan oo Doolar

Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa si wadajir ah loogu saxiixay heshiis Dowladda Soomaaliya looga cafiyay in ka badan $1 Bilyan oo Dollar Mareykanka ah. 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley ayaa si wadajir ah heshiiskan ugu kala saxiixday xarunta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. 

Heshiiskan taariikhiga ah ee Dowladda Mareykanka uga caafisay Soomaaliya Deymihii ay ku lahayd ayaa daba socda, kaddib markii bishii March ay Soomaaliya ka cafiyeen Deymihii lagu lahaa Soomaaliya dalalka Naadiga Paris club, Ruushka, iyo dalalka kale oo badan. 

Warkan oo lagu daabacay bogga Wasaardda Maaliiyadda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay qoraalka, in arrintan ay sidoo kale qeyb ka tahay dadaaladii hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya ee in muddo ah Dowladda Federaalka Soomaaliya soo wadday.