MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo-gaaray Muqdisho, ayada oo sidoo kale uu dekedda ku soo xirtay markabka Turkish-ka ee Oruç Reis ee shidaal sahminta ka sameynaya Soomaaliya.
Waftiga Turkish-ka ayaa waxaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay qoraal kooban oo Villa Somalia ay soo dhigtay facebook.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in waftiga ay ka qeyb-galayaan munaasabadda soo dhawaynta markabka Oruç Reis ee howlaha shidaal sahminta ah u yimid Soomaaliya.
“Oruç Reis waxa uu gaaray goobtii howlgalkiisa kadib safarkiisii qaaradaha,” Bayraktar ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.