Maxaa ku dhacay cayaartoyda Nigeria ee Libya uga qeyb-geli lahaa koobka Afcon?

Kooxda Qaranka Nigeria (Super Eagles) ayaa dib ugu laabtay dalkooda kadib 16 saacadood oo xaalad adag ay la kulmeen, taasoo keentay in kooxdu ay ku xannibmaan garoon ku yaalla Libya muddo saacado ah kahor inta uusan furmin tartan muhiim ah oo ka tirsan Koobka Qaramada Afrika. 

Kooxda Super Eagles ayaa lagu waday in Axaddii ay tagaan magaalada Benghazi balse diyaaraddooda ayaa loo weeciyay Al Abraq, oo ilaa 230km (143 meyl) ka fog halkii ay u socdeen.

Sarkaal ka tirsan Naadiga Kubadda Cagta Nigeria (NFF) ayaa BBC Sport Africa u sheegay inay la kulmeen xaalad adag iyagoo lagu xiray gudaha dhismaha garoonka kadib markii ay qorsheysteen inay baxaan.

Kabtan William Troost-Ekong ayaa sheegay in kooxda ay go’aansatay inaysan tartanka ka qeybgelin wuxuuna dowladda dalkiisa ugu baaqay “inay soo farageliso oo ay badbaadiso”.