Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Maamulka iyo Ardayda Barnaamijka UCMAS, Somaliland

Hargeysa-(WARSOOR)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay maamulka , macalimiinta, ardayda iyo waalidiinta Barnaamijka uu bixiyo Dugsiga UCMAS oo ah mid kor loogu qaado garaadka ubadka da’adoodu u dhaxayso shan jir ilaa 13 jir.

Ugu horayn waxa kulanka ibo furay Siciid Maxamed Maxamuud oo ah maamulaha iyo aas-aasaha Barnaamijkan oo Madaxweynaha uga mahad celiyey qaabilaada iyo maamuuska uu u sameeyey ka UCMAS ahaan, waxaana uu ka warbixiyey qaabka ay wax u baraaan ardayda islamarkaana ay kor u qaadaan garaadka caruurta ee dhanka xisaabaadka waxaa kale oo uu xusay in sannadkii 2023 ay ka qeyb galeen tartan lagu qabtay waddanka Malaysiya oo ay ka galeen kaalinta 3aad.

Dhanka kale waxa uu sheegay in sannadkan 2024 ay diyaar u yihiin inay ka qeyb galaan tartan kale oo ka dhici doona waddanka Hindiya kaasi oo lagu soo marti qaaday ayna rajeynayaan inay kasoo hooyaan guul iyagoo matelaya dalkooda hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu danbayntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa boggaadiyey barnaamijkan kobcinta garaadka ubadka waxaana uu ballan qaaday in sannadka danbe lagu dari-doono Manhajka waxbarashada si loo gaadhsiiyo guud ahaanba Gobolada dalka.

Wa-bilaahi Tawfiiq