Gabadha awoodda badan ee Kuuriyada Waqooyi oo digniin dirtay

PYONGYANG – (WARSOOR) – Kim Yo Jong, oo ah gabadha la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa Sabtida uga digtay Kuuriyada Koofureed “musiibo aad u xun” haddii hawada Pyongyang lagu arko diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Koofurta oo dul heehaabaya.

Gabadhan oo loogu yeero gabadha ugu awoodda badan Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale dhaleeceysay militariga Kuuriyada Koonfureed, gaar ahaan jawaabta ay ka bixiyeen sheegashada Kuuriyada Waqooyi ee ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed ay soo galeen hawada magaalada caasimadda ah, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee KCNA.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihi ku sheegtay, in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay diyaarin doonaan “dhammaan wax walba oo ay weerar ku gali karaan,” si ay u burburiyaan dhinaca koonfureed ee xudduudda iyo milatariga Kuuriyada Koonfureed.

Waxay kaloo sheegeen in taasi ay sameyn doonaan digniin la’aan haddii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed mar kale lagu arko dalkeeda.

Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa markii hore beeniyay eedeynta, balse ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa markii dambe hagaajiyay jawaabtooda, iyaga oo sheegay in aysan xaqiijin karin in sheegashada Kuuriyada Waqooyi ay run tahay.