Maandooriyaha oo dhibaato amni ku haya gobolka Wajeer

WAJEER – (WARSOOR)- Hogaamiyaasha Gobalka iyo waaxda caafimaadka maamulka Wajeer ee woqooyi-bari Kenya ayaa ka walaacsan kororka tirada dhallinyarada ah ee uu saameeyay maandooriyaha, kuwaas oo ay sheegeen inay qatar ku yihiin amniga gobolka.

Waxay kaloo sheegeen inay wadaan dadaallo dhalinyarada looga wacyigalinayo isticmaalka muqaadaraadka si loo yareeyo dhibaatada amni ee ay deegaanka ku keeni karaan