Midowga Yurub oo Canshuur Aargudasho ah ku Soo Rogay Shiinaha

Brussels – (WARSOOR) – Midowga Yurub ayaa ku dhiiraday inuu ka aarguto Shiinaha ka dib markii Midowga Yurub uu Jimcihii u codeeyay inuu canshuur ku soo rogo soo dejinta gawaarida korontada ku shaqeysa ee Shiinaha.

Midawga Yurub ayaa sheegay in warshadaha Shiinaha ee Baabuurta korontada soo saara ay helaan kaalmo dowladeed oo aan cadaalad ahayn.