Xukuumadda Justin Trudeau oo wajahaysa codka kalsoonida

OTTAWA — (WARSOOR) – Dowladda aan aqlabiyadda heysan ee dalkan Canada ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau ayaa lagu wadaa in toddobaadka dambe codka kalsoonida loo qaado, si loo rido, islamarkaana loogu qasbo in la aado doorasho xilligeeda laga soo hormariyay.

Xisbiga Conservative-ka ee midigta iyo siyaasiyiiin uu kamid yahay madaxa gobolka Quebec ayaa xisbiyada kale ku dhiiri-gelinaya in ay taageeraan codka kalsoonida loogala noqonayo dowladda Trudeau.

Laakiin xisbiga NDP ee bidixda fog oo dhawaan ka laabtay heshiis ay ku xoojinayeen dowladda aan aqlabiyadda heysan ee Liberal-ka ayaa la filayaa inaysan taageerin codka loo qaadayo Justin Trudeau.