Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulamo kala duwan la yeeshay Cuqaasha, waxgaradka iyo Aqoonyahanka Gobolka Hawd

Baligubadle-(WARSOOR)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo safar shaqo maalin-nimadii Salaasadii ku tegay magaalada madaxda gobolka Hawd ee Baligubadle, ayaa halkaa kulamo kula yeeshay madaxda dhaqanka, haldoorka iyo aqoonyahanka Baligubadle.

Madaxweynaha, ayaa qaybaha bulshada uga mahadnaqay sida karaamada iyo kalgacaylka leh ee ay usoo dhaweeyeen iyo midnimada ay ku qaabileen.

Baligubadle, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay safarkiisa shaqo ee uu Baligubadle ku tegay, waxana ay si cad u sheegeen inay taageero buuxda la garab taagan yihiin madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, doorashada iyo difaaca qaran ee loo ballamayna diyaar u yihiin.