Wafti ka kooban Wasiiro oo oo Socdaalka ku Jooga Nairobi

Kenya – (WARSOOR) – Wafti ka kooban Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta iyo Maaliyada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye iyo Dr Sacad Cali Shire,agaasime waaxeedyo iyo khubaro labaddaa wasaaradood ka tirsan oo socdaalka ku jooga magaalada Nairobi, ee dalka Kenya ayaa wadahadalo la yeeshay in ka badan 16 ka mid ah deeq-bixiyeyaasha Somaliland taageerada siiya.

Xubnahan oo tiradoodu dhamayd 40 xubnood oo Kala matalayay dhanka deeq bixiyayaasha iyo Danica somaliland oo ay ka socdeen labada Wasiir ee Maaliyada iyo Qorshaynta,Agaasime waaxeedyo iyo Madaxda Safaarada Somaliland ee dalka kenya ayaa Waxay dhinacyadaasi isla qaateen in taageerada Somaliland loo fidinayo lagu saleeyo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad ee Somaliland.

Gaar ahaana mudnaanta maalgelinta horumarinta Somaliland oo ah xoolaha, beeraha, biyaha, wadooyinka iyo tamarta cusboonaata (Renewable energy).

Waxaa kale oo ay dhinacyadu ka wada hadleen in laga wada shaqeeyo xoojinta xasiloonida iyo degenaanshaha gobol weynaha Geeska Afrika, dimoqraadiyada, doorashooyinka Somaliland, iyo kobcinta dhaqaalaha Somaliland, iyadoo laga duulayo shaqo abuurka dhalinyarada, dheelitirka horumarka iyo cagaarinta dhinaca deegaanka..