Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka “Dallacsiinta geesiyaasha Qaranka waxay niyad dhis u tahay Ciidanka.”

Muqdisho-(WARSOOR)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin ayaa sheegay in dallacsiinta geesiyaasha Qaranka ay niyad dhis u tahay Ciidanka.

Taliyaha oo ka hadlayay munaasabad loogu mahad celinayay Madaxweynaha Qaranka oo dallacsiiyay xubno firfircoon oo ka mid ah guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo wacdaro ka dhigay dagaalka lagulala jira khawaarijta.

Munaasabaddan oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda iyo  saraakiil ciidan ayaa sheegay in dallacsiinta xunbahan uu ku mahadsan yahay Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in sidan oo kale uu horay u dallacsiiyay madaxweynuhu qaar ka mid ah Ciidamada ku jira furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada.