Nidaamka sawirka isha ee doorashada Somaliland oo la isku khilaafay

HARGEYSA — (WARSOOR) – Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ayaa aragtiyo kala duwan ka muujiyey Nidaamka Sawirka isha ee lagu galayo doorashooyinka soo socda ee Somaliland.

Guddomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Maxamed Yuusuf Wabeeye ayaa sheegay in ayna ogalayn nidaamkasi, halka guddomiye ku xigeenka Kulmiye Cabdicasiis Samaale uu soo dhaweeyey nidaamka sawirka isha.