Shirweynaha Bankiga Horumarinta Afrika oo ka socda Nairobi

NAIROBI – (WARSOOR) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta ka furmay shir weynaha Bankiga Horumarinta Qaaradda Afrika oo ay ku sugan yihiin madaxweynayaal ka socda Qaaradda Afrika iyo hoggaamiyayaal kale oo caalamka ah.

Madaxda shirkaas joogta waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiiro ka tirsan dawladda federaalka.