Moussa Faki oo ku baaqay in la ixtiraamo madax-bannaanida dalalka Midowga Afrika

ADDIS ABABA – (WARSOOR) – Midawga Afrika ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Ethiopia, kadib markii magaalada Addis Ababa, ay heshiis is-afgarad ah ku kala saxiixdeen Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. 

Guddoomiyaha Midawga Afrika ayaa ku baaqay in la ixtiraamo midnimada iyo madaxbanaanida dalalka xubnaha ka ah Midawga Afrika, oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Ethiopia. 

Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa lagu sheegay, “in Guddoomiyuhu uu si dhow ula socday xiisadda ka dhalatay saxeexa heshiiska is-afgarad. 

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in la is-dejiyo oo la is ixtiraamo, si loo qaboojiyo xiisadda ka dhex aloosan dawladda Federaalka ah ee Ethiopia iyo Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. 

Isaga oo u soo jeediyey, in labada dal ay ka fogaadaan, wax kasta oo si ula kac ah u horseedi kara, inuu xumaado, xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya labadan dal. 

Guddoomiyaha ayaa ku nuuxnuuxsaday, sida ay lagama maarmaanka u tahay in la ixtiraamo, midnimada iyo wada-jirka dhuleed, iyo madaxbanaanida buuxda, ee dhammaan dawladaha xubnaha ka ah Midawga Afrika, oo ay ku jiraan, Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dawladda federaalka ah ee Ethiopia. 

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo xeerarka deris-wanaagga, si kor loogu qaado loona adkeeyo nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika. 

“[Guddoomiyuhu] wuxuu ku boorinayaa labada waddan ee walaalaha ah, in ay si aan dib-u-dhac lahayn, u galaan wadaxaajoodyo ay ku xallinayaan khilaafaadkooda, sida ugu waxtarka badan.” Ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Midawga Afrika.