Kanada – (WARSOOR) – Dadka Canadian-ka ah ee uu dhaqalahooda hooseeyo, oo ay ka mid yihiin Soomaali badan oo deggen dalkaas, ayaa soo dhaweeyay qorshe cusub oo ay ku dhawaaqday dowladda Canada, kaasoo ku baxaya balaayiin dollar.
Qorshahan ayaa ah mid culeyska looga yareynayo dadka aanan awoodin inay bixiyaan lacagaha daryeelka ilkaha, kaasoo hadda aanan ka mid aheyn adeegyada bilaashka ah ee ay bixiso dowladda.