MUQDISHO – (WARSOOR) – Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod ku meel mariyay miisaaniyadda dowaladda ee sanadka 2024-ka. Kulan wadajir ah oo ay lahaayeen ayay ku ansixiyeen miisaaniyadda.
Miisaaniyada 2024 ayaa waxaa ku cusub mushaarka ay qaateen xildhibaanada laba Gole oo mushaharkoodii loogu kordhiyey lacag dhan 1500 oo dollarka Mareykanka ah xildhibaan kasta.