Musharaxii ku caanbaxay Islaam Naceybka oo ku guuleystay doorashadii Netherlands

AMESTERDAM — (WARSOOR) – Siyaasiga midigta fog ee caanka ku ah Islaam-naceybka ayaa lagu wadaa inuu soo dhiso dowlad-wadaag ah oo mayal adag, kadib marki uu xisbigiisa Xorriyadda uu si lama filaan ah ugu guuleystay inta badan kuraashta baarlamaanka.

Guushan Wilders, ayaa mowjado naxdin leh u diray Yurub, sidoo kalana Holland la kulansiiyay niyad-jabki siyaasadeed ee ugu weynaa tan iyo Dagaalki Labaad ee Dunida.