Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, 0o kullan is xog-wareysi ah la qaatey Shaqaaale-weynaha Wasaaradda Hawlaha ee Saaxil

Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bille ayaa maanta kullan is xog-wareysi ah la qaatey Shaqaaale-weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobolka Saaxil.

Wasiirka iyo xubnaha ku wehelinayay kormeerkaasi ayaa uga mahadnaqay Hawl-wadeenada Wasaaradda Hawlaha Guud ee gobolka Saaxil shaqadda culus ee ay qaranka u hayaan, waxaaney ku booriyeen iney sii labban-laabaan dedaalkooda.