Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Oo Ka Qayb-galay Xuska Maalinta Haweenka

Muqdisho – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in doorka ay haweenka Soomaaliyeed ka qaataan nabadda uu yahay mid soo jireen ah, isla markaana laf-dhabar u ahaa dowlad dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo ka hadlayay munaasabadda maalinta Haweenka ee Nabadda iyo Amniga, ayaa sheegay in haweenku ay qayb weyn ku leeyihiin halganka dib u xoreynta dalka iyo sugidda amniga.

Waxaa kale oo uu sheegay in dumarku ay si weyn qayb uga yihiin horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo wax soosaarka, isagoo intaa raaciyay in Xukuumadda ay ka go’an tahay xaqiijinta doorka matalaadda haweenka ee siyaasadda iyo hoggaanka dalka.