MUQDISHO – (WARSOOR) – In ka badan 20 qof ayaa ku dhintay 12 kun oo qof oo kalena guryahooda ayay ka barakeceen ka dib roob daad watta oo ka da’ay Dowlad-deegaanka Soomaalida, sida ay wakaaladda AFP ka soo xigatay saraakiisha deegaanka.
Roobka deyrta ayaa meelo badan oo ka mid ah dawlad deegaanka Soomaalida ka da’aya, kaasi oo meelaha qaar fatahaaduhu ay qasaare dhimasho iyo burbur hantiyeed sababeen.