Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland garahaan oo Gacanta Ku Dhigay Nin

Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland garahaan Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa waxa uu raadinayaa qofkii lahaa lacag maanta lagu qabtay Eedaysane Axmed Maxamed Ibraahim 32 Jir Ina Faadumo Maxamed Cabdillaahi kaasi oo ciidanka boolisku kusoo qabteen lacagtaasi , taasi oo uu soo dhacay , Lacagtaasi oo iskugu jirta S/land Shilin iyo Dollerba.

Waxaana qofka lacagtaasi ka maqantay laga rabaa ina uu sheego tiradeeda.

Haddaba waxaanu ka codsanaynaa dhammaan shacabka Somaliland ina ay cidii lacagtaasi ka maqantay ina ay tagaan Saldhiga Dhexe Hargaysa ama tag Xafiiska madaxa baadhista ee Saldhiga Dhexe.

Ciidanka Boolisku waxa uu halkan digniin uga dirayaa dadka falalka noocaasa caado ka dhigtay, kuna hawlan ina ay dhacaan hantida dadweynaha , waxaanu u sheegaynaa ina ay ka waantoobaan, haddii kale gacan bir ah ina aanu ku qaban doono.

Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL

Call number 999