Somaliland: Aqoonyahanka oo rajo ka qaba kobac dhaqaale

HARGEYSA – (WARSOOR) – Waxaa dhowaan magaalada Hargeysa ka dhacay shirka Madasha Dhaqaalaha Somaliland, kaasi oo laga soo saaray siddeed qodob.

Qodobadaas ayaa waxaa ka mid ahaa in dhaqalaaha Somaliland loo beddelo mid ku fadhiya adeeg bixin iyo in dib loo eego waxbarashada lana dhiirigaliyo farsamada gacanta.

Haddaba qaar ka mid ah aqoonyahanka Somaliland ayaa sheegay in haddii la fuliyo qodobada ugu muhiimsan ay taasi keeni karto koboc dhaqaale oo saameeya bulshada iyo xukuumaddaba.