Afhayeenkii Aqalka Wakiilada Mareykanka oo xilka laga qaaday

WASHINGTON – (WARSOOR) – Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa jagadii guddoomiyenimo ka qaaday Kevin McCarthy, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, islamarkaana tan iyo markii la doortay golaha ku hogaaminayey aqlabiyad kooban.

Xil ka-qaadista McCarthy ayaa waxaa sabab u ahaa kadib markii ay ka horyimaadeen xubnaha mayalka adag ee midigta fog ee xibisga Jamhuuriga, oo uu hormuud u ahaa Matt Gaetz.

Haddaba talaabadan, oo ah mid taariikhi ah oo aan Maraykanka hore uga dhicin, ayaa waxaa faahfaahinaya oo aan wax ka weydiiyay isagoo ku sugan hoygiisa oo ku yaalla gobolka Virginia oo aan wax badan ka fogayn xafiiska VOA madaxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA Cabdiraxmaan Yabarow.

Waxa uu marka hore faah-faahin ka bixinayaa taariikhda Aqalka Wakiilada ee Congress-ka Maraykanka iyo tan guddoomiyaha xil ka-xayuubinta lagu sameeyey.