Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada oo Tababar Soo Xidhey

HARGEYSA – (WARSOOR) – Munaasibadda xidhitaanka Dufcadii 5aad
ee tababar ka dhamaysta Xarunta Hal-abuurka Qaranka ee Somaliland Innovation Zone, xarunta oo loogu talo galay kor u qaadista iyo tayeynta xirfadaha la xidhiidha tiknoologiyadda si uu qaranku ula jaanqaado aduunyada casriga ah.

Tababarka ayaa waxaa dhamaystay 285 araday oo ka kala socda hay’adaha dawladda, Dhallinyarada Jaamacaddaha, Haweenka, Suxufiyiinta iyo qaybaha Ururadda bulshada.