RENK — (WARSOOR) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hal million oo qof ay kasoo carareen dalka Sudan, iyagoo ku jahwareersan waxyaabaha ay ka filayeen socdaalkoodan qaxoontinimo ee uu sababay dagaalka ka socda dalka.
Xilli wadamada la jaarka ah, sida Chad iyo Koonfur Sudan, ay soo dhaweynayaan, ayaa geesta kale waddamada Masar iyo Eritrea ay iyaguna diidayaan inay albaabada u furaan.