Guddida Dhaqaalaha Golaha Wasiirada JSL oo Dhawaaqeen Qabashada Shirweynaha Dhaqaalaha Dalka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida Dhaqaalaha Golaha Wasiirada JSL waxa ay maanta ku dhawaaqeen qabashada Shirweynaha Dhaqaalaha Dalka oo qabsoomi doona 14 -15 October, 2023 waxa uuna ka qabsoomi doonaa Magaalada Hargeysa.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee noociisa ah oo lagu qabto Somaliland. Shirkan waxa lagu lafo guri doonaa maalmaha uu socdo caqabadaha hortaagan xallinta mushkiladaha dhaqaale ee Waddanka haysta iyo sidii loogu heli lahaa Xal-waara.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo ah gudoomiyaha Guddida dhaqaalaha Golaha Wasiirada ayaa faah faahin ka bixiyay qabsoomidda shirkan.