RUUSHKA -(WARSOOR) – Ruushka ayaa Isniintii ku dhawaaqay in uu hakiyey ka qayb galka heshiiskii ay dhexdhexaadiyeen Qaramada Midoobay iyo Turkiga, ee u ogolaanayay Ukraine in ay qamadiga u dhoofiso debedda, iyada oo la marinayo badda madow.
Arrintan ayaa walaac hor leh ku abuureysa dalalka saboolka ah ee ku tiirsan sareenka ama badarka laga soo diro Ukraine iyo Ruushka.