Madaxweynayaasha Iran iyo Kenya oo ku kulmay Nairobi

NAIROBI — (WARSOOR) – Madaxweynayeyaasha Kenya iyo Iran William Ruto iyo Ebrahim Raisi, oo ku kulmay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan.

Ruto iyo Raisi ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii ay Kenya iyo Iran ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha kalluumaysiga, caasimaadka, teknoolajiyadda iyo hormarinta wax soo saarka.