Itoobiya: Jabhadda Tigreega oo billaabay inay wareejiyaan hubka culus

ITOOBIYA – (WARSOOR) – Fallaagada Tigreega ayaa bilaabay inay dhiibaan hubkooda culculus, kaasoo qayb muhiim ah ka ahaa heshiis la saxeexay laba bilood ka hor oo lagu soo afjarayo colaadda ba’an oo ka taagn waqooyiga Itoobiya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka jabhadda.

“Tigray waxay wareejisay hubkeeda culculus taasoo qayb ka ah fulinta heshiiskii ka dhacay Dalka K/Afrika ee ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo fallaagada Tigrayga, afhayeenka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray Getachew Reda ayaa maanta oo Arbaco ah ku qoray bartiisa twitter-ka.

Xilwareejinta hubka oo ka dhacday magaalada Agulae oo qiyaastii 30km waqooyi bari kaga beegan xarunta gobolka Mekelle ayaa waxaa kormeeray koox kormeerayaal labada dhinac iyo urur goboleedka IGAD.

Qodobada heshiiska nabadeed ee la saxiixay 2-dii Nofembar waxaa ka mid ah in hubka laga dhigo ciidamada fallaagada, dib u soo celinta awoodda federaalka ee dhanka Tigray iyo dib u furidda gelitaanka iyo isgaarsiinta gobolka oo go’naa tan iyo bartamihii 2021-kii.

Dagaalku wuxuu qarxay Noofambar 2020 markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu gobolka Mekhelle  u diray ciidan,si ay u soo xiraan hoggaamiyayaasha Tigrayga ee caqabadda ku noqday maamulkiisa ,isagoo ku eedeeyay inay weerareen saldhigyada ciidamada federaalka.