Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL oo Tacsi u Diray Shacabka Laascaanood

HARGEYSA – (WARSOOR) – Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed wuxuu ka Tacsiyeynayaa ehelkoodii, qaraabadoodii iyo bulshada reer Laascaanoodba dhalinyaradii 2da ahaa ee maanta ku dhintay isu soo bixii iyo gadoodkii shacabku ka gadoodeen Dilkii dabley aan la aqoonsani ku dileen Alle Naxariistii Jano ha ugu deeqee Marxuum Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi-Hadraawi oo ka mid ahaa dhalinyarada aqoonyahanka ah ee haldoorka iyo labeenta u ahaa bulshada reer somaliland gaar ahaan gobolka Sool.

Sidoo kale waxaan Rabbi u waydiinayaa inuu u boogo dhayo caafimaad degdegana ugu deeqo dadkii maanta ku dhaawacmay dhacdadaas.