Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo hadlay xaaladda magaalada laascaanood

Hargeysa – (Warsoor)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeeyey ka hadlay xaaladda magaalada laascaanood.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si adag uga hadlay dilalka soo noqnoqday ee ka dhaca magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo tacsiyeeyey geerida ku timi marxuum Cabdifataax Cabdilaahi Cabdi (Hadraawi) oo ay habeen hore dablay hubaysani ku dileen gudaha laascaanood iyo xubno kale oo maalintii shalay ku geeriyooday rabshado gudaha magaalada ka dhacay, waxana uu yidhi,“Waxan aad uga xumahay oo aan halkan ka tacsiyeynayaa Somaliland oo dhammina ka xun tahay dhibaatadii ka dhacday magaalada Laascaanood shalay iyo habeen hore. Shalay waxa buuqii laascaanood inagaga dhintay saddex qof, waxana inaga dhaawacmay Sagaal, waana mushkilad naxdinteeda leh oo aynaan filayn, waana la qaybsanaynaa xanuunkii ay dadkaasi ka dhinteen, meel ay joogaanba, arrinaas soo noqnoqotay ee haldoorka laascaanood lagu beegsanayaana waa arrin u baahan in wada-jir isugu wada tagno ee helno halka ay ka socoto.”

Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiinta xukuumadda gobolka Sool ku sugan iyo maamulka degmada Laascaanood ba ugu baaqay inay si degdeg ah uga hawlaan sidii loo soo afjari lahaa dhibka Laascaanood ka taagan, xukuumadda iyo dadweynuhuna iyaga oo midaysan dhexda u xidhaan soo afjaridda beegsiga lagu hayo haldoorka reer Sool.

Wa-bilaahi Tawfiiq