Madaxweyne Muuse Biixi oo Ansixiyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay Lr. 18/122022 uu ku meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 18/122022

Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Helay: Qoraalka Soo-jeedinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK-6/019/2022, kuna taariikhaysan 07/12/2022, ujeeddadiisuna tahay, Ku-dhawaaqidda Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha;

Markaan Ku-qancay: Soo-jeedinta wakhtiga qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka;

Waxaan Go’aamiyey;

In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku ka-bilaabanto Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland