Muqdisho: Faahfaahinta Laba Qarax oo Khasaare Gaystay

Weerar loo adeegsaday laba gaari oo walxaha qarxa laga buuxiyay ayaa lagu beegsaday wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, oo xarunteedu ay ku taallo inta u dhaxeysa isgoysyada Soobe iyo Banaadir.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qaraxyadu ay ahaayeen laba qarax oo ay u dhaxaysay daqiiqado.

Xasuuqa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho wuxuu muujinaya naxariis darada Al Shabaab. Waxey dileen dad faro badan oo shacab ah. Dumarkii jaadka ku iibin jiray goobta Qaraxa tiro badan ayaa ka dhimatay. Mootooyin Bajaaj ah oo aad u tiro badan oo goobta marayay dhalinyaradii waday iyo dadkii saarnaa ayaa goobta ku dhammaaday. Ganacsatadii hareeraha laamiga oo ay xarumo muhiim ah ku jireen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa soo gaaray. Basas, baabuur raaxo iyo dad lagtooda adeegsanayay ayey Al Shabaab halkaas ku leysay maanta.

Khasaaruhu aad ayuu u badanyahay, Dowladda ayaana laga sugaya tiri-koobka balse waxaa halkaan ka cad iney kooxdu qaadatay go’aan ah iney shacabka ka aargoosato iyadoo ka gubaneysa dagaallada kaga socda gobollada iyo dadkii duqeymaha looga laayay maalmihii lasoo dhaafay. In goob sidaan u shacab badan ay labo qarax ka fuliso Al Shabaab waa naf la caari-nimo iyo xasuuq bareer ah, waxeyna inta nool ku qasbeysa in inta ay goori goortahay nimankan si dhab ah loola diriro. Al Shabaab wax kasta oo xun ayey kasii xun yihiin, waana inuu qof walba kaalin ka qaato dagaalka looga saarayo dalka.

Allaha u naxariisto dadkii ku naf waayay qaraxyadii dhacay maanta, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo.