RUUSHKA – (WARSOOR) – Ruushka iyo Ukraine ayaa ku heshiiyey in la sameeyo waddooyin ay ku baxaan dadka rayidka ah ee ku go’doonsan magaalooyinka Ukraine,isla markaana loo ogolaado in la geeyo garghaar bini’aadanimo halkaa.
Heshiiska hordhaca ah, ee lagu gaaray Belarus, ayaa yimid iyadoo ciidamada Ruushka ay sii wadaan hareeraynta iyo weerarada magaalooyinka Ukraine oo ay ku jirto caasimadda, Kyiv, iyo magaalada labaad ee ugu weyn ee Kharkiv.
Si kastaba ha ahaatee, ergeygaasi ma uusan sheegin goorta la sameynayo ama la tilmaamayo waddooyinka nabdoon ee loo qorsheeyay dadka rayidka ah.
Tallaabadaasi ayaa ah calaamadii ugu horreysay ee muujineysa horumar laga gaaray wadahadallada u dhexeeya dhinacyadaasi,tan iyo markii Ruushku bilaabay duulaanka Ukraine .