BAliGUBADLE – (WARSOOR) – Badhasaabka gobolka Hawd Axmed Cige Yare ayaa ka warbixiyey xaalada guud ee gobolka Hawd isagoo ka hadlay roobabka maalmihii u dambeeyey ka dayey gobolkaasi.
Sida uu ku soo waramayo wariyaha wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama gobolka Hawd Maxamed Jiciir aw Axmed,waxa uu badhasaabku sheegay in xaalada gobolka Hawd tahay mid rooban wakhtigan Allena abaarihii ka jabiyey.
Guddoomiye Axmed Cige Yare ayaa sheegay in guud ahaan gobolka Hawd uu ka daโay roobkii guga isagoo bulshada u diray farriin ku saabsan sidii looga faaโidaysan lahaa biyaha roobka. Waxaanu intaasi ku daray inaanu wax khasaare ah gaysan roobabkaa guโga marka laga reebo xoolo qabowgii ku naf waayey.
Guddoomiyaha gobolka Hawd, Axmed Cige yare ayaa sheegay in wakhtigan tahay xilligii laga faaโidaysan lahaa isagoo sheegay inay u qaybiyeen abuurkii wakhtigan ay beeran lahaayeen.