MUQDISHO – (WARSOOR) – Raโiisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku shaandheyn kooban waxaa uu ku sameeyey qaar kamid ah golaha Wasiirrada Soomaaliya.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Raโiisul Wasaaraha ayaa waxaa xilkii looga qaaday Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed cabdullaahi Salaad Oomar, iyada oo loo wareejiyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Sidoo kale Wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Duraan Axmed Faarax ayaa waxaa loo bedelay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada muddo dhowr bilood ah oo uu haayay xilkaas.
Isku-shaandheynta kooban oo uu Maanta sameeyay Raโiisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli uu dhamaaday muddo xileedka Hayโadaha dowladda, isla markaana khilaaf uu ka taagan yahaya doorashada.
Ugaas Daldoon