GAROOWE – (WARSOOR) – Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in ay gacanteeda ku soo celinayso magaalada Laascaanood oo ka tirsan Gobolka Sool iyo Magaalada Ceerigaabo oo ka tirsan Gobolka Sanaag, kuwaas oo ay ka arrimiso Somaliland
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdraxmaan Dhabancad oo suโaalo lagu weeydiinayay Barnta Club House ayaa sheegay in ay wadaan qorshihii ugu dambeeyay oo ay kula wareegayaan magaalooyinkaas.
โGobolka Sanaag si dhammaystiran ayuu ugu jiraa gacanta Puntland marka laga reebo degmada Ceerigaabo, Ceerigaabona howsheeda waa socotaa oo waa dhammaanaysaa, sidoo kale Laascaanoodna iyada oo aan howl badan laga marin ayey dhammaanaysaa oo waa socotaa ayuu yiri โ Wasiir Dhabancad.
Sidoo kale Wasiirka oo ka hadlayay Shrka Teendhada Afisiyooni ayaa sheegay in shirkaasi Beesha Caalamka ay goโgoshiisa dhigtay, dadkana isugu yeertay oo qaban-qaabisey.
Hadallada kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdraxmaan Dhabancad ayaa waxaa ay kusoo aadayaa xilli Soomaaliya ay kujirto waqti kala-guur ah, isla markaana la filayo in dhawaan doorasho ay ka dhacdo dalka.