Wasiirka arrimaha dibadda oo la kulmay madaxweynaha kalafadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay

New York – (warsoor) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Volkan Bozkir.

Wasiir Maxamed ayaa Madaxweynaha uga war bixiyey guulaha ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay & horumarka ay ka gaartay arrimaha Siyaasadda, amniga & kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa ka mahadceliyey booqashada wasiirka & horumarka dowladda Soomaaliya, wuxuuna uu madaxweynuhu sheegay in ay sii labo jibaari-doonaan taageeridda QM ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Mareykanka isagoo intii uu halkaas ku sugnaa kulan la yeeshay masโ€™uuliyiin kala duwan oo uu kala hadlay xaaladda wadanka.