DJIBOUTI WAXA AY KA QAADAY CABSI DEKEDDA BERBERA

Safarka Madaxweynaha Djibouti uu ku joogo Addis Ababa ayaa muhiimadiisa ugu weyn ay tahay muujinta uu u muujinayo madaxda Itoobiya walwalka uu ka qabo Dekedda Berbera-

Breaking News-

Madaxweynaha dalka Djibouti Ismael Omer Gueleh oo booqasho ku jooga Addis Ababa,ayaa wariye caan ah oo u dhashay Ruushka magaciisana uu yahay Sergei Aman uu sheegay in Somaliland ay ku riday Madaxweynaha Djibouti ” Shivering ” ama” Gariir”.

Madaxweynaha Djibouti oo la kulmay Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zawde ayaa waxa uu u sheegay in Djibouti ay ka doonayso Itoobiya ( Assurance ) ama in ay cadayso xidhiidhkeeda Djibouti,kadib hawlgalka Dekedda Berbera sanadka 2021.

Sidoo kale,Madaxweynaha Djibouti ayaa sheegay in Berbera iyo Asmara,khaas ahaan Berbera ay ku tahay ” Khatar” ” Wadarta Wax Soo Saarka Guud ee Djibouti” ama ( Djibouti Gross Domestic Product “.

Sidoo kale Madaxweynaha Djibouti codsigiisa ah in Itoobiya ay bixiso lacagta uu ku leeyahay Shiinaha ayaa aan ahayn mid ay awoodi karto Itoobiya.

Waxa ay ahayd maalmo ka hor markii waraysi uu bixinaayay Madaxweymaha Djibouti uu ku sheegay in warwar aanay ku haynin Dekedda Berbera.

Hadalkan uu sheegay maanta ayaa cadaynaya in Berbera Port ay ku tahay walwal weyn falka Djibouti.

DJIBOUTI SHIVERS Sergei Aman ( Journalist ) says:

“Somaliland is sending shivers down the Djibouti government .Thanks to being the only serious country in the Horn.I hope they even make a play for a free zone and special economic zone.Preferably administered less like Djibouti and more like Singapore,including dispute resolution.

Djibouti government seeks assurance from Ethiopia’s government who has a bilateral trade with Somaliland and Eritrea that is attractive to Ethiopia and a threat to Djibouti Gross Domestic Product ( Djibouti GDP )that solely depend on port revenue to balance its structural deficit and pay Chinese debt services.Djibouti need Plan B”.

Note: Wariyaha ayaa waxa uu sheegayaa in khubarada uu waraystay ay u sheegeen in Djibouti ay dhayalsatay Berbera muddo ah laba sanadood,ayna soo baraarugeen xaaladda oo ku adag.Madaxa DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem ayaa hore usheegay in ay tahay wax cad in dhaqaalaha ( GDP ) Djibouti la filayo hoos u dhac weyn oo ku yimaadda marka ay hawlgasho ( Berbera Port ) sanadka 2021 oo ay ka hadhsantahay wax bil ka yar.

Published by: Sergei Aman ( Journalist )

Posted by: Ahmed Adam