Ciidanka Booliska Somaliland oo Gacanta ku Dhigay Gacan Ku Dhiigle

Hargeysa – (warsoor) – Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigey Gacan ku dhiigle Gabadh ku dhex dilay Guriga wiilka Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland, sida uu sheegay taliska Boolisku.

Afhayeenka ciidamada Booliska Somaliland gaashaanle Sare Faysal Xiis oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen dalbiilihii falka geystay.

Ciidanka Booliska ayaa hawl-gal ay sameeyey ka soo qabtay ninkan falka geystay guri uu ilaalinaayey oo ku yaalay xaafada Goljano ee magaalada Hargeysa.

Afhayeenka Booliska Somaliland ayaa sheegay inay ka heleen goobtii laga soo qabtay gacan ku dhiiglaha faash dhiigle iyo garan uu xidhnaa oo isna dhiiglahaa.

Gacan ku dhiiglaha ayaaa qirtay falka dilka ah, waxaanu sheegay in gabadhan uu la sheekeysan jiray balse ay ka qaban wayday telefoonka mashquulna ay ka galisay, ka dibna uu uugu yimid guriga wiilka wasiirka oo ay shaqaale ka ahayd kaligeedna joogtay iska goobtaana uu ku dilay ka dib markii uu faash kaga dhuftay luqunta.

Gabadhan marxuumadda ah oo lagu magacaabi jiray Nateexo Ismaaciil Aadan 25 jir waxaa 24 November, 2020 cabaaro 11 habeenimo lagu dhex dilay guriga uu leeyahay Mustafe Xasan Gaafaadhi.