BOORAMA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Maxamud Xasan Sacad Saajin oo ay weheliyaan Taliye ku xigeenka 2aad ee Ciidanka Booliska Somaliland Daahir Cali Wacays iyo Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro ayaa Maanta soo kormeeray deegaano ka tirsan gobolka awdal oo ay ka socoto hawsha diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.
Kormeerkan oo Ujeedadiisu ahayd u kuurgalida hawsha qaran ee diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ayaa waxay sidoo kale Weftigu soo afjareen khilaaf u dhexeeyay hawl wadeenada diiwaangelinta ee goob ka mid ah goobaha ay ka socoto hawsha qaran ee diiwaangelinta ee degmadda Boon ee gobolka awdal.
Duqa Degmadda Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa ugu baaqay bulsho weynta Gobolkaasi inay si xil kasnimo leh uga qayb qaataan diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.
Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro ayaa dhankiisa sheegay in diiwaangelinta kadib ay bulshadu heli doonto kaadhadhkii ay ku codayn lahaayeen doorashooyinka inagu soo fool leh.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Maxamud Xasan Sacad Saajin ayaa dhankiisa sheegay in qof kasta oo is diiwaangeliyey uu xaq u yeelan doono inuu Codkiisa ku doorto cida u matalaysa golayaasha deegaanka,Wakiiladda iyo madaxtooyaddaba waxaanu ugu baaqay Shacabka gobolka awdal inay ka qayb qaataan hawshaas qaran ee diiwaangelinta Codbixiyeyaasha muddada ay socoto.