Musharax Ambassador Maxamed Cabdikariim Cumar Oo Si Rasmiya U Shaaciyey Hankiisa Musharaxnimo Kuna Biiray Xisbiga WADDANI

Hargeysa – (warsoor)- Ambassador Maxamed Cabdikariim Cumar Mohamed Marshall, ayaa Maanta si rasmiya u shaaciyey Hankiisa Musharaxanimadda doorashadda Golaha Wakiiladda Ee Gobolka MAROODI-JEEX.

Munaasibad si heersare loo soo agaasimay, Isla-markaana ay kasoo qaybgaleen Hogaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI, Hogaanka Gobolka MAROODI-JEEX Ee Xisbiga WADDANI, madax-dhaqameedka, ganacsatadda, Aqoonyahan iyo Taageerayaasha Musharax Ambassador Maxamed ayaa lagu qabtay HOTEL Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Ambassador Maxamed oo ahaa Safiir ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland u joogay Safaaradda dalka ETHIOPIA, ayaa ugu horeynba halkaas ka hadlay, ayaa Sheegay inuu taagan yahay doorashadda Golaha Wakiiladda Ee soo socota, Isla-markaana uu isaga iyo beeshiisuba ay go’aansadeen inay ku biiraan Xisbiga WADDANI oo uu iska soo sharaxo.

Sidoo kale Musharax Ambassador Maxamed, wuxuu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay ka mid noqashadda Xisbiga WADDANI, isagoo ay la socdaan Taageerayaashiisa iyo waxgaradka Beeshiisa u soo xushay hankiisa siyaasadeed ee ka mid noqoshadda Baarlamaanka soo aocda uu dalka Somaliland yeelan doono Isha Allah.

Dhanka kale Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo xafladan bilan ee loo qabtay Ambassador Maxamed Cabdikariim Cumar ka hadal ka Jeediyey ayaa soo dhoweeyey isaga iyo Taageerayaashiisaba, Waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay cududa taageero uu Musharaxa Maxamed ku soo biiriyey Xisbiga, Waxaanu tilmaamay inay Beesha soo xushay Maxamed ay hore uga sii mid ahayd Xisbiga WADDANI. Isagoo Guddoomiyuhu Ilaahay uga rajeeyey inuu ku guulaysto Golaha Wakiiladda Ee dalku yeelan doono.

Dhanka kale waxa iyaguna halkaa ka hadalay guud ahaan madaxdhaqmeedka, waxgaradka iyo Aqoonyahanka beesha Reer AXMED CABDALLE SICIID ee iyagu isku raacay Musharaxa Maxamed, Iyagoo guud Ahaanba sheegay inay taageersan yihiin Musharaxooda iyo Xisbiga WADDANI ee kasoo sharaxeenba.

Munaasibadda Waxa iyaguna ka hadlay masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo soo Dhoweeyey Musharaxa iyo taageeradda laxaadka leh uu ula soo wareegay Xisbiga WADDANI. Muuqaalkan xafladda balaadhan ee Musharaxa Maxamed filo goor dhow.

Khaddar Ali Khum